Askari Ku Labisan Dareyska Dowlada oo Qof Rayid ah Si Bareer ugu Diley Degmada Afgooye

0
68

Warar aynu ka heleyno degmda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda toogasho ku dilay qof shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo lagu magacaabo Nuur Cali ayaa warbaahinta u sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu si bareer ah u toogtay marxuumka oo la sheegay in gaari uu watay Dhiiqo ka dhalatay Roobka gaarsiiyay Askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda kaddibna mid ka mid ah si ula kac ah u toogtay.

Maha markii ugu horeysey oo uu askari ku labisan dareyska dowlada uu dad ku dilo degmada afgooye iyo meelaha ku dhow dhow balse ilaa iyo hada ma dhicin aski dembiga uu geystey lagu fuliyey.

Si kasta arintu ha ahaatee ciidamada dowladda ayaa inta badan kolka ay si bareer ah ugu dilaan qof shacab ah gobolada kale ee dalka waxaa la marsiyaa sharciga, halka marka ay ku dilaan qof shacab ah gobolada koonfur galbeed ay dariiqa iska maraan sida ayagoo aan wax dembi ah gelin.