Daawo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo ugu Baaqey Ciidamada Iney u Diyaar Garoobaan Dagaal

0
50

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wargaliyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaddib booqasho maalintii shalay uu ku tagay xarunta wasaaradda difaaca.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay ciidamada xoogga dalka dhaqdhaqaayada militari oo durbaba ay ka bilaabeen qeybo ka mid ah dalka, isaga oo sheegay in guullo la taaban karo laga soo hooyay howlgaladii ugu danbeeyay ee ciidamadu ka sameeyeen deegaanno ay horay gacanta ugu hayeen Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka diyaar u tahay in ciidamada ay isku bar bar taagto baahiyaha ay qabaan oo dhan si ayuu yiri looga adkaado cadawgga umadda Soomaaliyeed oo markaa uu madaxweynuhu ula jeeday [Al-shabaab]