Hogaamiyaha maamulka fadhiidka koonfur galbeed Shariif Xasan oo kulan la qaatey qaar ka tirsan xildhibaanada labada aqalk ee dowlada federaalka ayaa uga dacwoodey abaabulka la rabo in kursiga lagaga tuuro ee ka socda magalada baydhaba.
Shariifka ayaa sheegey in xiligan aan loo baahneyn in qalalaase siyaasadeed uu soo kala dhex galo maamulka koonfur galbeed.
Xildhibaanada oo tiradoodu gaareysey 20 xildhibaan ayaa intooda badan waxaa ay u badnaayeen kuwa asaga taageersan iyo weliba qaar kaloo kasoo horjeeda balse aan awoodin in ay u sheegaan iney kasoo horjeedaan.