Ra’iisal wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay ka sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta dowladda hoose in lacag dhan $ 1 million oo dollar dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah [Berri] si toos ah lacagta ay balan qaaday dowladda loogu soo shubi doono Akoonka guddiga Gurmadka Qaranka.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Qaraxii Zoobe ay ka danbeeyeen dad bulshada Soomaaliyeed ka tirsan oo raba ayuu yiri in shacabka la baabi’iyo, sidaa daraadeed waxaa ugu baaqay dowladda iyo shacabka intaba in loo istaago sidii arintaan looga hortagi lahaa.
Qaraxan ay boqolaalka ruux dhibta kasoo gaartey ayaa ilaa iyo hada aysan jirin cid sheegatey baaritaano ay xukuumada wadeyna weli wax war ah kama aysan soo bixin.