Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo la hadley warbaahinta ayaa ka hadlay Cabashooyinka iyo sidoo kale isku dhacyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo Sharciga iyo kala dambeynta inta guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqayaan Cidda ku guuleysatay doorashaddii Isniintii lasoo dhaafay ka dhacday Somaliland.
Waxaa uu ka codsaday Xisbiyadda in aysan guul sheegan oo aysan Shacabka kicin,iyadoo aan wali la shaacin Natiijadda doorashadda.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada