Dhegeyso: Wasiirka Maaliyada oo Sheegey In ay Waajib Tahay In Qof Kasta uu Bixiyo Canshuurta

0
72

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warqad uu 9-kii bishan u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn, wixii ka dambeeya October 2017 la bilaabi doono in canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada.

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo rogay canshuurista Gunnada ay qaataan, taasoo noqoneysa markii u horeysay ee Xildhibaanada laga qaadi doonto canshuurta ku waajibtay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa sheegay inuu socdo qorshe canshuur looga qaadaayo shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa wuxuu tilmaamay inuusan hadda jirin sharci qeexaya in canshuur laga qaado Shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay, balse wuxuu sheegay in arintaasi ay socoto qorshaheeda.

Wuxuu sheegay qof waliba oo muwaadin ah oo dalka ku sugan inay waajib ku tahay bixinta canshuurta, balse hadda dadka qaar aanan la qaadin, sababo ku aadan in shuruucda looga qaadayo iyo nidaamka hadda ay socoto.

Wasiirka-maaliyadda

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Wasiirka-maaliyadda Mobil