Dowladda Jabuuti ayaa lacag dhan $1 million oo dollar ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxii 14kii bishii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Wareejinta deeqday lacageed ayaa waxaa goob joog ka ahaa ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo safiirka dowladda Jabuuti Aadan Xassan Aadan.
Lacagtan ayaa waxaa lagu wareejiyay guddiga gurmadka Qaranka oo sheegay in lacagta la gaarsiin doono dadkii loogu talagalay.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga mahad celiyay dowladda iyo shacabka reer Jabuuti sida ay mar walba u barbartaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed
Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladihii ugu horeyeey oo gar gaar isugu jira dawooyin iyo dhaqaatiir Gurmad ah u soo direy Soomaaliya maalin uun kaddib markii uu dhacay qarixii Zoobe.