Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilkii iska casilay, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Jacob Mudenda.
Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay in uu iskii u gaaray go’aankas, si uu u fududeeyo awood wareejinta.
Mugabe ayaa horay u diiday in uu xilka iska casilo, inkastoo ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore, mudahaaradyo baddan oo arrintaas lagu dalbanayana ay dhaceen.
Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in uu socdo qorshihii hogaamiye cusub lagu dooran lahaa Arbacada.
Robert Mugabe ayaa xilka hayay mudo 37 sano ah taasoo markii dambana uu cadaadis kala kala kulmey ciidanka milateriga dalka zimbaabwe kadib kolkuu xilka ka qaadey madaxweyne ku xigeenkiisa.