Wasiirka Amniga oo Maanta Baarlamaanka Horgeynayo Sharciga la dagaalanka Argagixisada iyo Xakameynta Hubka

0
95

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya ayaa lagu waddaa in la horgeeyo dhowr hindse Sharciyeed oo Amniga la xiriira.

Wasiirka wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa la filayaa in uu maanta horgeeyo xildhibaannada Hindise Sharciyeedyada la dagaalanka Argagixisada iyo xakameynta hubka wax dila kuwaas oo mari doona akhrintooda koowaad.

Labada Ajende oo ay soo diyarisay wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa waxaa horay u soo ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Sharciga la dagaalanka Argagaxisada ayaa mudo dhowr Sano ah soo jiitamayay sharcigaas oo ah sharci laga soo min guuriyey qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka hadii la ansixiyana ay adag tahay sidii dalka looga hir gelin lahaa maadaama beelaha qaarkood aysan weli diyaar u eheyn in dalka xasilooni ka dhacdo.