Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti oo Maanta Soo Gaarey Magalada Muqdisho

0
103

Gudoomiyaha baarlmanka dalka Jabuuti Max’ed Cali Xumad ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaa oo ay si diiran ugu soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay gudoomiyaha baarlamanka dalka Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari.

Gudoomiyaha oo la hadley warbaahinta kolkii uu soo degey ayaa sheegay in mudada uu joogo Muqdisho uu kulamo la qaadan doona madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in uu ka qeybgali doono kulanka baarlamanka ee maalinta sabtida ah qabsoomi doona.

Waxa uu sidoo kale sheegay in gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ay ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya baarlamannada labada dal.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu gudoomiyaha baarlamanka Jabuuti ku yimaado Muqdisho tan iyo intii uu xilkaasi qabtay.