Xildhibaano Ka Tirsan Labada Aqal oo Madaxweynaha Kala Hadley Sababta Logu Fulin Layahay Sharciga Gacan ku Dhiiglihii Diley Cabaad Siraaji

0
51

Xildhibaan Xusseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan xubnaha Aqalka Soomaaliya ayaa sheegay in kulan ay xalay la qaateen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala hadleen sababta loo fulin la’yahay xukunkii lagu riday Askarigi toogashada ku dilay Wasiirkii Howlaha Guud Cabaas Siraaji.

Xildhibaanka ayaa sheegay in 50 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee dowladda kana soo kala jeeda Koonfur Galbeed iyo Jubbaland madaxweynaha ka hadleen arinta ku saabsan dilkii Wasiir Cabaas iyo wax hortaagan in la fuliyo xukunkii lagu riday Askarigii dilka geystay, isaga oo intaa ku darray in madaxweynaha wax jawaab ah ka siin waayay su’aalihii ay weydiiyeen.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ay dil toogasho ah ku xukuntay 19 Jun ee sanadkan Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid oo la sheegay in uu ahaa Askarigii xabada ku dhuftay Wasiirka, hasse ahaatee waxaa muuqata in wali xukunkaasi aan la fulin.

Waa markii u horeysay ee Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ay Madaxweynaha kala hadlaan arrinta ku saabsan dilkii Marxuum Cabaas Siraaji iyo ninkii ka dambeeyay oo horay laamaha cadaallada ugu xukumeen dil toogasho ah.