Kenya oo Yeelan Doonta Laba Madaxweyne

0
106

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa maanta sheegay in 12-ka bisha dambe ee December loo dhaarin doono madaxtinnimada dalka Kenya.

Raila ayaa aaminsan inuu ku guuleystay doorashadii dhacday 8-ddii August ee sanadkan, taasoo natiijadii kasoo baxday ay laashay maxkamadda sare ee dalkaas, kadib markii la shaaciyay inuu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

Doorashadii ku celiska aheyd ee dhacday bishii hore ayay mucaaradku qaadaceen, iyagoo xusay inaanan dib u habeyn lagu sameyn waxyaabihii dhaliyay in lagu shubto doorashadii August.

Waxaa ka dhacay dalka Kenya rabshado ay dad ku dhinteen kadib markii la shaaciyay in Uhuru uu mar labaad ku guuleystay doorasha, taasoo maantaa loo caleemo saaray.

Raila Odinga ayaa hore u sheegay in Kenya ay yeelan doonto laba madaxweyne haddii Uhuru loo dhaariyo madaxtinnimada dalkaas

Waxaa dhici kara isku dhacyo sabab dhibaatooyin kala duwan marka laba toddobaad kadib mucaaradka ay doonaan inay madaxtinnimada dalkaas u caleema saaraan Raila Odinga.