Maleeshiyo beeleedyo ku labisan dareyska ciidanka dowlada oo kasoo amar qaatey qabqable dagaal Cali Nuure Maxamed waxaa ay weerar qorsheysan ku soo qaadeen guri ku yaala degmada afgooye oo uu lahaa Axmed Ibraahim Dhure (Liimoole).
Ciidamadani ayaa saqdii dhexe ee habeenimo waxaa ay xoog kusoo jebiyeen albaabka guriga uu ku noolaa Axmed Liimoone taasoo markii ay gudaha usoo galeen aqalka keentey iney xabad ku furaan wadaadkii guriga lahaa ayagoo dhaawac halis ah u geystey.
Maleeshiyaad si gaar ah uga amar qaata Cali Nuure Maxamed oo howlgalkaasi fuliyey ayaa waxay kusoo dhawaceen Liimoole halka jirdil iyo handadaad ay kula kaceen haween iyo caruur xilliga weerarka lagu qaadey guriga ku sugnaa.
Dhibane Axmed Liimoole oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in uu jiro dhac baahsan oo loo geystey guririgiisa oo laga soo qaatey lacag gaareysa toban Milyan oo shilin Soomaali ah, 1500 pp dollarka mareykanka ah iyo dahab labatan garaan.
Axmed Ibraahim Dhure (Liimoole) ayaa hadda dhaawaciisa waxa lagu dabiibayaa Isbitaalka Madiina ee magaaladsa Muqdishgo, waxaana ehelada Ninkan ay codsadeen in wax laga qabto kuwa falka waxashnimada kula kaca dadka masaakiinta ah ee ku sugan gobolka shabelaha hoose iyo degmooyinkisa.