Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib ka qeybgalkii caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Shir-madaxeedkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada ayaa lagu faah faahiyay safarkii Madaxweynaha ee dibadda iyo shirarkii uu ka soo qeyb galay, gaar ahaan shir madaxeedkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.
Shirkan oo muddo labo cisho ah socday ayaa waxyaabihii madaxdii halkaas isugu timid ay isku afgarteen waxaa kamid ahaa in labada qaaradood ee dariska ah ay yeeshaan mustaqbal wadaag dhabaha u xaaraya iskaashi buuxa oo dhex mara dalalka Afrika iyo Yurub.
Mawduuca shirka ee sanadkan ayaa waxaa loo doortay arrimaha dhallinyarada iyada oo ay kasoo qeyb-galeen dhallinyaro ka socota labada qaaradood si ay uga warbixiyaan xaaladahooda iyo himilooyinkooda mustaqbalka.
Arrimaha Madaxda Afrika iyo Yurub ay isla qaateen ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah looga jawaab celiyo dhibaatooyinka isa soo taraya ee dalka Liibiya ku haysta kumannaanka Muhaajiriinta Afrikaanka ah, iyadoona loo xil saaray arrinkan in ay warbixin iyo baaritaan ka soo sameeyaan diblumaasiyiin uu hoggaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Mudane Maxamed Cali-Nur Xaaji.
Madaxweynaha ayaa intii uu socday Shir-Madaxeedka labada qaaradood ee Afrika iyo Yurub waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane Ouattara, Rai’iisul Wasaaraha Sweden Stefan Löfven, Ra’iisul Wasaaraha Finland Juha Sipilä, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Boris Johnson, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres iyo Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina