Wasiirka Gaashandhiga oo Ka Hadley Qorshihiisa Ugu Horeeya ee uu ku Dhaqaaqi Doono

0
56

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo todobaadkii hore xilka loo magacaabay ayaa ka hadlay qorshayaashii ugu horeeyay ee uu ku howl galayo.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta dowladda ayuu sheegay in howsha ugu horeysay oo uu qaban doono ay noqon doonto dib u dhiska ciidamada, si loo gaari hadafkii laga lahaa.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in xilka Wasaaradda loo magacaabay xilli adag, isagoo xusay in qof kaliya aanu wax qaban karin, balse waxqabashada ay u baahan tahay dad kale oo ku garab istaaga oo kaalmo ku noqda, isla markaana fahamsan meesha loo socdo.

Mar wax laga weydiiyay howlaha isku dhafka ciidamada ayuu sheegay in howsha isku dhafka Ciidamada ay u baahan tahay marka hore in bulshada loo faah faahiyo, isla markaana loo sharxo ciidamada inay yihiin ciidan Soomaaliyeed oo aan dibadda laga keenin, deegaan kasta oo la geynayana ay yihiin deegaankooda.