Xukuumada Federaalka oo Sheegey In Ay Isku Soo Dhiibeey Ciidamo ka Tirsan Alshabab

0
64

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay is ku soo dhiibeen ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya sidda uu hadalka u dhigay isku soo dhiibeen 54 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab tan iyo wixii ka danbeeyay dhacdadii 14kii October ee Isgoyska Zoobe.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen ilaa 63 dagaalyahano oo ka trsan Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ragga ay qabteen uu ka mid ahaa sitay dhabar ay dumarka xirtaan ee Xijaabka.