Xildhibanada dowlada Federaalka ooMaanta Ka Wada hadli Doona Qorshe Howleedka Gudiyada Golaha Shacabka

0
88

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa wuxuu ajandihiisa uu yahay Akhrinta iyo qaybinta qorshe howleedka Guddiyadda Golaha Shacabka, sida xalay lagu soo wargeliyay xubnaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shir guddoomin doona kulanka xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta.

Shalay magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka, waxaana la iskula gartay sidii ajendayaal Kooban loogu koobi lahaa kalfadhigan, maadaama howlo badan ay yaalaan.