Gudomiyaha Baarlamaanka oo Cambaareeyey Talabadii uu Trump ugu Aqoonsadey Qudus Iney Tahay Casimada Israil

0
59

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in Quddus ay tahay Caasimadda Israel.

Khudbad uu Guddoomiyaha ka jeediyay kulankii Xildhibaanada ee maanta ayuu sheegay in Soomaaliya iyo Muslimiinta aysan marna gorgortan ka geli doonin lahaanshaha Quddus.

Waxaa uu sheegay in magaalada Quddus ay soo martay waayihii ugu adkaa, isagoo xusay in tallaabada Mareykanka uu qaaday ay aheyd mid khaldan dhib kasta oo ka dhasha ay qaadan doonto mas’uuliyadeeda.

Guddoomiye Jawaari ayaa faray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha shacabka inay qaraar ka soo diyaariyaan arrinta Quddus, markaas kaddibna qaraarka la horkeeno Baarlamaanka, si ay aragti uga qaataan.