Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland waxaa kulan gar ah ku yeeshay Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Kulankan labada dhinac dhexmaray ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay in Roobow kaalin uu ku yeesho Dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab, ee dhowaan Maamulka Jubbaland uu qorsheynayo inuu ka bilaabo degaanadiisa, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland.
Waxaa Muqtaar Roobow macluumaad ku saabsan qaabka loo wajihi karo Dagaalka ururka Al-shabaab uu siiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo saraakiisha ammaanka.
Roobow ayaa maanta lagu wadaa inuu kormeer ku tago meelo ka mid ah magaalada.