Kulankii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada oo Maanta Looga Hadley Doorashada 2020

0
71

Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, Sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey nooca matalaad ee doorasho ee 2020 oo uu sheegay in guddi ka kooban hay’adaha ay khuseyso ay muddo wadeen daraasad iyagoo isku barbardhigayey doorashooyinka caalamka iyo kuwii Soomaaliya ay soo mareen oo ay ku jiraan kuwa Somaliland.

Daraasad dheer ka dib waxaa weli socda wadatashi ballaaran oo laga yeelanayo nooca doorasho, iyadoo la isku raacsan yahay in doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qaban doono 2020ka.

Noocyada matalaad doorasho oo laga tashanayo ayaa waxaa ka mid ah mid isku dheelitiran oo dhammaan qeybaha bulshada laga wada qeybgelinayo, mid doorasho furan oo xisbiyada dadka matalaya ay doorasho ka raadsanayaan deegaanada, ama mid xiran oo xisbiga la dooranayo ka dibna uu soo xulanayo xildhibaanada matalaya. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi ballaaran la sameyanayo inta aan la go’aamin nooca matalaad ee doorasho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyey dardargelinta heshiiskii GalMudug iyo Ahlu Sunna oo uu sheegay in xiriiriyo uu ka yahay Wasiirkii hore Abdisamad Macalin Maxamud, wasaaradana ay wado qorsheyashii loo dhaqangelin laaa heshiiskaas taariikhiga ah ee muhiimka ah.