Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa duhurnimadii maanta ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaddib markii saakay maxkamaddu ay u fariisatay kiiskii loo heystay.
Maxkamada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, Xildhibaan Mahad Salaad, Xeer Ilaaliye ku xigeenka Qaranka Maxamed Xassan, goob joogayaal kale oo loo ogolaaday dhageysiga maxkamada.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in wax dambi ah uusan laheyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur, islamarkaana xariggiisa aan loo marin Waaran Maxkamadeed.
Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxamed Xassan ayaa dalbaday in kiiskan ay ka qaataan Racfaan, balse go’aankaas Maxkamadda ayaa ka diiday, waxaana ay sheegtay dacwadan in ay soo xirantay oo noqosho dambe aysan laheyn.
Inusun dambi laxayn xoray baa u ogayn Abdiraxman Cabdi Shakuur sse dembi ku laxaa karaa , lacag wuu haystaa qabiil waa ka dambeeyaan dibida UAE /Africa kenya gudha Comar Cabdirashid . lakiin
hadii nafsi uu jiro waa la arki doonaa waddankaan ay ku ciyaaraayaannafsigiisa wuu qaban.
Comments are closed.