Warbixin iyo Talooyin ku wajahan D F S; 2016, 2017-2018

0
60

Warbixin ay soo saareen Xafiiska Xiriirka Somalida (Council of Somali Relations), iyo Radio One Somalia, waxay diiradda ku saareen xaqa xoriyadda fikirka iyo hadalka (Freedom of Thought Conscience and Speech.)ee Soomaaliya iyo marxaladda dimuqraadiga.

Warbixintu waxay qiimayn ku samaynaysaa horumarka la gaaray tan iyo sannadkii 2012 iyo caqabadaha lala kulmay intii lagu hawlanaa abuurida jawi demuqraadi ah oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed kaga qayb galaan geedi-socodyada ugu muhiimsan, sida dib-u-eegista dastuurka, dhisidda Dowlad Goboleedyada iyo geedi-soocodkii doorashadii 2016kii. Sannadkii 2016kii wuxuu ahaa marxalad xasaasi iyo kala guurka siyaasadda Soomaaliya, iyo doorashooyinka “qof iyo codkiisa” ah ee la filayo inay dhacdo sannadka 2020.

Xorriyadda hadalku waxay kaalin muhiim ah ku leedahay dhismaha dowlado demuqraadi ah iyo xiliyada isbedellada siyaasadeed. Ku dhaqanka xorriyadda hadalku waxay ogolaaneysaa in geedi-socodyada siyaasadda ay noqdaan kuwo furan, xor ah, cadaalad ah, oo sharciyad ku qotoma, waxayna fududayneysaa xiriir siyaasadeed oo ay dad badan ka qaybgalaan, waxayna xaqiijineysaa in la yeesho wadahadal bulsho iyo mid siyaasadeed oo waxtar leh oo ay dadka wada metela. In fursad la siiyo codadka kala duwan ee siyaasiyiinta, warbaahinta, iyo guud ahaan dadweynaha, waxay caqabad joogta ah iyo fursad muhiim ahba u tahay dimuqraadiyad kasta.

Waxaan kaloo falanqayn ku samaynaynaa xad-gudubyada la xiriira xoriyadda hadalka ee aan diiwaan-gelinay laga soo billaabo sannadkii 2016 ilaa 2017, oo ay ka mid yihiin dilalka, garaacidda, kadeedidda ama dhibaateynta, xarigga sharci iyo sabab la’aanta ah iyo xabsiga sharci darrada ah, caddaalad iyo sharci marsiin la’aanta ama damaanadqaad la’aanta maxkamadayn caddaalad ah, iyo xarumaha warbaahinta oo si joogta ah loogu hanjabo. Inkastoo xadgudubyadaas ay warbaahintu soo tebiso oo si guud iyo si gaar ahba ay cabasho uga soo gudbiyaan wariyeyaasha iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta, ururrada warbaahinta iyo difaacayaasha xuquuqul insaanka, haddana waa dhif iyo naadir in hay’adaha dowladdu ay baaritaan ku sameeyaan kiisaska ama ay dacwad ku soo oogaan kuwa ka dambeeya xad-gudubyada. Isla-xisaabtan dhab ah waxaa la gaari karaa oo keliya marka si nidaamsan oo rasmi ah wax looga qabto isla-xisaabtan la’aanta, iyadoo loo marayo xaqiijinta in si wax ku ool ah loo qaado baaritaan, dacwadna lagu soo oogo, kadibna ciqaabta qofka xadgudubka geysta uu mutaysto si buuxda loogu fuliyo.

Weerarrada, hanjabaadaha weerar iyo noocyada kale ee dhibaataynta iyo faragelinta ah ayaa inta badan aamusiya wariyeyaasha iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta, difaacayaasha xuquuqul insaanka ama hogaamiyeyaasha siyaasadda, taas oo ku khasbaysa inay isku sameeyaan faafreeb oo ay isaga aamusaan ama indhaha ka laabtaan arrimaha ay dhinacyada kale ee arrinta ku hawlan u arkaan inay yihiin kuwo xasaasi ah, oo ay ka midyihiin xaaladda arrimaha xuquuqul insaanka, doorashooyinka, musuq-maasuqa iyo xasaradaha guud ama arrimaha walaaca ku haya dadweynaha, xaaladaha degdegga ah iyo mudaaharaadyada dadweynaha. Hanjabaadahan iyo weerarradani waxay si kastaba uga hor imanayaan sharciga dalka iyo kan caalamiga ah, waxayna caqabad ku yihiin qulqulka xorta ah ee xogta iyo wararka, taas oo saamayn ku yeelanaysa awoodda ay muwaadiniintu u leeyihiin inay wax ku biiriyaan geedi-socodyada demoqoraadiga ah oo ay u maraan go’aan qaadasho xog ku salaysan oo laga qaato arrimo aad u farabadan oo kala duwan, sidaa darteedna, weerarrada iyo caga-juglayntu waxay meel ka dhac ku yihiin xuquuqda asaasiga ah ee xoriyada aragtida iyo hadalka. (Freedom of Thought Conscience and Speech)

Talooyinka ugu waaweyn ee aanu soo jeedinayno Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada Federaalka waxaa kamid ah xoojinta qaab-samaynta sharciga iyo siyaasadda, taasoo lagu dhiirrigelinayo sidii lagu heli lahaa jawi ku haboon oo u suurtagelinaya dhammaan dadka Soomaaliyeed inay si xor ah u cabiraan aragtidooda, gaar ahaan marxaladdan xasaasiga ah ee siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto iyo in la xaqiijiyo islaxisaabtan ku aaddan xadgudubyada iyo ku takrifalka xuquuqul insaanka.

Wabilahi Towfiif

Council Of Somali Relations,

Radio One Somalia.