Gaadiidleyda isticmaasha wada u dhexeysa Baydhaba iyo Muqdisho ayaa waxaa ay aad uga cabanayaan Isbaaroon ay soo dhigteen qaar ka tirsan ciidanka xooga dalka somaliyeed halkaas oo ay lacago fara badan dadka kaga qaataan.
Isbaarooyinka oo lagu qaato lacago kala duwan, ayaa qaarkood la soo sheegayaa inay u yaalaan ciidamada Xoogga dalka Somaliya.
Wararka waxa ay sheegayaan in isbaarooyinkaan gaadiidka lacago badan looga qaato, islamarkaana dadka dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan.
Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa sheegay madaxda dowladda Federalka Somaliya inay ka dalbanayaan in wax laga qabto arintaan, maadaama ay dhib ku qabaan isticmaalka wadada.
Dhawaan ayey aheyd kolkii Taliska ciidanka Xoogga dalka Somaliya uu beeniyay in ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay u yaalaan isbaarooyin gaadiidka lacago looga qaado.