Wasiirka Gaashaandhiga oo Maanta Faahfaahin Ka Bixiyey Qorshaha Ciidanka Dowlada

0
50

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta faah faahin ka bixiyay Qorshaha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula wareegayaan Ammaanka dalka.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya in ay wadaan dadaalladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda ay Ammaanka guud ee dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la diyaariyo ciidamadii la wareegi lahaa Ammaanka si Soomaaliya ay u gaarto isku filnaan dhanka ammaanka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ay ugu diyaar garoobeyso in Amniga dalka ay ciidamada dowladda la wareegaan marka ay guud ahaan dalka ka baxaan Talisyada kala duwan ee ciidamada Midowga Africa.