Turki oo maalgashanaya Sudan

0
65
Al-bashir iyo Erdoğan oo ku kulmay Khartoum
Al-bashir iyo Erdoğan oo ku kulmay Khartoum

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo qudbad ka jeedinayay Jaamacadda Khartoum ee dalka Sudan oo shahaado sharaf PHD guddoonsiisay ayaa sheegay in Sudan ay sameysay horumar aad u ballaaran, islamarkaana dalkiisu ay maalgashi ku sameysan doonaan, ayna xoojin doonaan xiriirka labada dal.

Wuxuu carabaabay in cunaqabateyntii la saaray Sudan xilli sii horeysay ay aheyd mid xaq darro, ayna sababtay dib u dhac dhinac horumarka ah, walow dadka reer Sudan ay sameeyeen adkeysi iyo dadaal ay ku gaareen heerka ay maanta taagan yihii.

Erdoğan ayaa xusay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada lagu hormarinayo waxbarashada Sudan gaar ahaan dhinaca caafimaadka, sidoo kale maadaama labada dal uu ka dhaxeeyo isdhex gal ballaaran, uu qorsheynayo in Khartoum uu ka furi doono jaamacad lagu magacaabi doono Turki-Sudan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale ka hadlay siyaasadda Sudan ee dibadda, isagoo tilmaamay in Sudan ay muujiso geesinnimo iyo go’aanno wax ku ool u ah dadka reer Sudan. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay dalalka ay Sudan kujirto ee dhawaan ka hor yimid go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ka hor yimid go’aanka Donald Trump.

Recep Tayyip Erdoğan, madaxweynaha Turkiga wuxuu ku celiceliyay inaysan cidna ka cabsaneyn, ayna mar walba ka hadlayaan una istaagayaan danta dunida muslimka.

Madaxweyne  Erdoğan wuxuu horey hadal ugu jeediyay baarlamanka dalka Sudan, isagoo xusay in malaayiin dollar uu dalkiisu ku maagashan doono Sudan, kadib markii uu booqday mashruuca Jaziira iyo dekedda Port-Sudan ee bariga dalkaasi Sudan.

Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir, madaxweynaha Sudan ayaa tilmaamay in dalkiisu uu xiriir wanaagsan la leeyahay Turkiga, isagoo Erdoğan ugu mahadceliyay taageerada uu la garab taagan yahay.