Sannadkan sii dhamaanaya ee 2017 Malaayiin dad ah oo Soomaali ah ayaa ku barakacay iska hor imaadyo hubeysan iyo kuwa kale ayaa lagu dilay, laguna dhaawacay rabshado.
Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay dadka Soomaaliyeed wada shaqayn joogto ah, si wax looga qabto dhibaatooyinka cakiran ee ka jira gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolada dalka.
Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay muhiim in ay tahay Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay in ay iska kaashadaan yareynta caqabadaha hortaagan dadka barakacayaasha ah.
Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa sheegay in kooxaha Argagixisada ah ay ka soo horjeedaan howlaha Hay’adaha gargaarka gaar ahaan Qaramada Midoobay ay ka wadaan gudaha Soomaaliya,