Dowlada Kenya oo Sheegtey Iney Adkeyneyso Amniga Deeganada Waqooyi Bari

0
51

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada amaanka Waqooyi bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay deegaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo deegaankaasi.

Sarkaalka u hadlay Booliska Mandheera oo lagu magacaabo Daniel Bundotich,ayaa warbaahinta Kenya u sheegay iney doonayaan iney xakameeyaan weerarada kaga yimaada Al-Shabaab ee Gobolka Waqooyi bari, sidaasi daraateedna Ciidamo badan aan ku geynay deegaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah amaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”.

Dagaalyahano looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa talaadadii la soo dhaafay dilay afar sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo roondeynayay wadada Elwak-Kotulo oo ka tirsan degmada Mandheera.

Ciidamo Booliska iyo Militariga loo diyaariyay ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ay sheegeen iney aad u hubeysan yihiin,kuwaasoo u dhameystiran Qalabkooda Ciidan.