Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ,xilli maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu diyaar-garoobayay soo dhaweynta isaga iyo wafdiga la socda.
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada kuwooda ugu muhiimsan ayaa wafdiga madaxweyne Farmaajo ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.
Madaxweyne Farmaajo ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo goobta ku sugnaa , isla markaana qayb-weyn ka ahaa soo dhaweynta madaxweynaha Somalia ee magaalada Garowe.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu kulamo la qaadan doono madaxda Puntland kuwooda ugu sareeya oo ay ku jiraaan odayaasha dhaqanka ,isla markaana intooda badan diiradda lagu saari doono xaaladaha dalka iyo wada shaqaynta labada dhinac in ay kororto.