Maxaa Ka Jira Hadalada Sheegaya In Shariif Xasan Xoog Looga Reebey Wefidii Madaxweyne Farmaajo

0
123

Wararka aynu ka helney maalintii shaley Airportka ADAN ADE aya sheegaya in in gelinkii hore ee shaley wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo madaxameynaha dowlada federalka soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo laga hor istaagey madaxweynaha Maamulka goboleedka Konfur Galbeed Soomaaliya shariif Xasan Sheikh Aadan in uu kamid noqodo xubnaha wafdiga madaweynaha uu horkacaayo.

Arintan ayaa ka danbeysey kadib markii shariif Xasan habeenkii sabtida uu u tagay madaxeyne farmaajo isaga oo ka codsanaya in uu kamid noqodo wafdiga raacaya.

Ilo kudhowdhow Villa Soomaalia Ayaa Sheegaya in Madaxweyne Farmaajo aanu u muujin diidmo iyo ogolaansho midna arintaas oo shariif Xasan u qaatey in uu madaxweynaha ka aqbaley codsigiisa wuxuuna maanta isku soo diyaariyey shariif Xasan in uu kamid noqodo wafdiga wuxuuna soo galey airport ADEN ADE qeybta VIPga isagoona ahaa qofkii ugu horeeyey wafdiga ee so gala airportka

Wefdiga ayaa kolkii ay Airporka sooo gaareen waxaa ay halkaasi kula kulmeen Shariifka oo halkaasi kaga soo horeeyey, Wax yar kadib dhamaantood waxaa ay u dhaqaaqeen fuulitaanka diyaarada ayadoo qof walba uu fariistey kursigii loogu tala galey.

Dhowr daqiiqo ka dib waxaa diyaarada soo fuuley mid ka mid ah ilaaladii madaxweyne Farmaajo kasoo shariif Xasan ku war gelilyey inuusan ka mid aheyn wafdiga raacayo Madaxweynaha isla markaana looga bahan yahay inuu si deg deg ah diyaarada uga soo dego taasoo keentey in uu ka madax adeego shariifka asagoo dhowr jeer ku celcelinaya in loogu yeero madaxweynaha.

Dhowr daqiiqo Kadib kolkuu shariif xasan ka madax adeegey in uu diyaarada kasoo dego ayaa waxaa loogu yeerey 3 askari oo ka mid ahaa ilaalada madaxweynaha kuwaas oo markii dambe si xoog ah diyaarada kaga soo saarey shariif xasan.

Dhacdadan ayaa wexey noqotey dhacdo weji gabar uu ka qaadey shariif xasan isagoon marnaba filaneyn in waxan ay ku dhici doonaan.