Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Maanta Gaarey Magalada Gaalkacyo

0
75

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow Gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay boqolaal ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo iyo masuuliyiinta maamulka galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa masuuliyintii sida weyn u soo dhaweesay Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku sugnaado magalada gaalkacyo isagoo halkaai kula kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada.