Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Sheegey In Is Qabqabsiga Siyaasadeed uu Carqalad Ku Yahay Horumarka Dalka

0
52

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay munaasabad sagootin ah oo loogu sameeyay magaalada Boosaaso ayaa soo hadal qaaday is qabqabsiga siyaasadeed ee dalka ka jira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in is qabqabsiga siyaasadeed ee jira uu caqabad ku noqon karo hormarka dowladda, waxaana uu intaa ku daray in dowladda uu madaxweynaha ka yahay mar horeba ka sii fikirtay in lagu gudbo marxalada ku dhisan in sanad walba la soo dhiso xukuumad cusub.

Dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday madaxweynuhu sida bulshada Soomaaliyeed markan qadyaan uga joogaan nidaamka 4.5ka ee awood qeybsiga, isaga oo sheegay in wixii hadda ka danbeeya loo baahan yahay in dalka laga hergaliyo Xisbiyo Siyaasadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), oo maalmahan Puntland ku marayay safarkiisii ugu dheeraa ee dhinaca dhulka ah uu ku maro tan iyo intii madaxweynaha loo doortay ayaa la filayaa in uu u soo gudbo dhinaca deegaannada Galmudug.