Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadatashiyo la leh madaxda iyo qeybaha bulshada ee Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay ka go’antahay nabadeynta Galkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin socdaalka dib u heshiisiinta ee uu ku marayo Madaxweynahau Dowlad Gobolleedka Galmudug.
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in socdaalka uu ku marayo gobollada Galmudug uu yahay mid uu ku xoojinayo nabadda iyo is dhex-galka Bulshada.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiska dhawaan lagu mideeyey dhinacyada Galmudug uu ka tarjumayo hiigsiga Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan Galmudug oo xasilloon, dadkeeduna nabad iyo horumar gaareen.