Dagaalyahano Ka Tirsan Alshabab oo Habeenkii Xaley Soo Weerarey Deegaano ka Tirsan Gobolka bay

0
39

Wararka aynu ka heleyno magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay la wareegeen deegaanka Deynuunaay oo 26km u jirta magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xoogag ka tirsan Al-shabaab dhinaca Koonfureed ka soo weerarreen deegaanka, waxaana ay iska caabin kooban kala kulmeen ciidamo halkaa ku sugnaa.

General Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha ciidamada Booliiska oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi jiro, isaga oo intaa ku darray ciidamada ay ku sugan yihiin deegaanka oo Al-shabaab aysan la wareegin.

Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo ku saabsan dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay, madaama Isgaarsiinta deegaanku tahay mid aad u liidata.