Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Kol Dhaweyd Gaarey Magaalada Dhuusa-mareeb

0
46

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Gal-guduud.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, xubnaha labada golle ee Gal-mudug iyo dadweyne fara badan oo haween iyo carruur u badan.

Madaxweynaha oo safar dhulka ah ku tagay magaalada Cadaado ayaa waxaa wafdiggiisa ka mid ahaa Wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada golle ee dowladda federaalka, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay shacabka Dhuusa-Mareeb in ay yihiin kuwo jecel nabada iyo hormarka, isaga oo balan qaaday in dowladda federaalka ay si dhaw ula shaqeyn doonto.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda dowlad goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.