Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Magalada Dhuusamareeb Kula Kulmi Doona Maamulka Galmudug

0
44

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kulamo kula leh maamulka Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay gaaray Dhuusamareeb waxaana loo sameeyay munaasabad ballaaran oo soo dhaweyn ah,iyadoo maanta lagu wado in uu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta Galmudug,waxgaradka iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa warbixino kaladuwan ka dhageysan doona bulshada,kuwaasi oo ku aadan baahiyaha ay qabaan iyo sida la isaga kaashan karo taloobooyin dhinaca horumarka ah.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb gali shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen madaxda Galmudug iyo Ahlusuna.