Culimada Soomaaliyeed ee maalmahanba shirarka uga socday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen waxyaabaha uu ku saabsan yahay shirkooda.
Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culimada shirkan ka qeyb galaysa oo la hadlay warbaahintacayaa sheegay shirkan inaanan looga hadleyn arrimo siyaasadeed, balse diirada lagu saarayo keliya wacyi gelinta bulshada.
Sidoo kale wuxuu sheegay Sheekh Bashiir Axmed Salaad shirkan inuusan aheyn midkii koowaad, balse ay jirtay in la soo qabtay marar badan, laguna soo qabtay gudaha dalka iyo dibadiisa.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada