Guuto ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa manta lagu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama heshiis midow ah magaalada Dhuusa-mareeb ah ay ku gaareen maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.
Munaasabada Ciidamadan loogu wareejinayay Dowladda Federaalka ayaa waxaa goob joag ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General (Gorod), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo xubno kale.
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo Munaasabadda ka hadley ayaa sheegey in maanta ay farxad u tahay, wuxuuna Ciidankan u sheegay in ay yihiin kuwo dalkooda, dadkooda iyo diintooda difaacay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ciidamadan uga mahadceliyay sida uu sheegay in Shabaab ay ka difaaceen degaanada Gobolada Dhexe, wuxuuna balan qaaday in Ciidamada ay heli doonaan daryeel wanaagsan.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada