Waxaa maanta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).
Wafdiga Wasiirka waxaa magaalada Balcad ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug), Saraakiil ciidan iyo xubno kale.
Waxa uu sheegay Amniga magaalada inuu yahay mid wanaagsan hadana la sii xoojin doono, wuxuu kaloo sheegay wadooyinka u dhow degmada Balcad in ay soo galeen dagaalyahano Shabaab ah oo weeraro geysta, balse arrintaasi Ciidamada ay wax ka qaban doonaan.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada