Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay shirkii lagu dhameystirayay heshiiska u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu suna.
Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha maamulka Galmudug oo marti loo yahay iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay hirgelinta heshiiska,islamarkaana si wadajir ah looga wada shaqeeyo midnimada Shacabka Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb waxaa si rasmi ah looga taagay calanka maamulka Galmudug,waxaana madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb ka shaqa bilaabaya madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.