Kulankii Golaha Wasiirada ee Khamiislaha ahaa oo Maanta Dhowr Qodob Lagu Ansixiyey

0
64

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir-guddoominayey Ra’iisu Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Tubta Siyaasada loo dhan yahay, islamarkaasna waxaa looga hadlay arrimo kale oo la xiriira amniga dalka.

Wasiirka Amniga iyo Wasiiru Dawlaha Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey xaalada amniga dalka oo ay sheegeen in howlgalo lagu sugayo amniga ay si xowli ah u socdaan islamarkaasna lagu guuleystey Labaatan (20) maleeshiyad Al-Shabaab ah in la soo qab-qabtay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha warbixin kasiiyey shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay dalka Turkiga oo ay labada dal soo kala saxiixdeen heshiisyo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya oo Turkigu ay diyaar u yihiin in badeecooyinka Soomaaliya loo suuq geyn doono dalkooda, iyadoo labada dal ay kawada shaqeynayaan sidii canshuur dhaaf loogu sameyn lahaa badeecooyinka laga dhoofiyo Soomaaliya.

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ayaa ka warbixiyey xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran India oo 43 ka mid ah xabsiga laga soo daayey oo dawladda Federaalku ay u diyaarineyso diyaarad lagu sooqaado si ay u yimaadaan dalkoodii hooyo. Sidoo kalena maxaabiista harsan ayaa la soodeyndoonaa bisha Febraayo. Dawladda ayaa ku dadaaleysa sidii muwaadiniinteeda ugu gurman laheyd.

Waxaa kaloo ayagana halkaasi warbixino kala duwan kasoo jeediyey Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga. Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta,