Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Safarka Madaxweynaha uu ku tagay magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale.
Magaalada Caabudwaaq waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay Maamulka degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarka uu ku marayo magaalooyinka qaar ee dalka waxaa la filayaa inuu ku soo gaba gabeeyo Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud.