Warar ina soo gaarey magalada muqdisho ayaa sheegyaa in ciidamada xoogga dalka ay la wareegeen xarunta dowladda hoose ee gobolka Banaadir, kuwaa la sheeegay in ay sugayaan Amniga xarunta.
Ciidamada la wareegay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa isugu jira Nabadsugid iyo Ciidamada gaarka ah ee dowladda.
Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii xalay saqdii dhexe ciidamo fara badan lagu hareereeyay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Dowladda Federaalka ayaa ku dhiiratay inay soo afjarto xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Banaadir, inkastoo aan la ogeyn halka uu xaalka ku dambeyn doono.