Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan xarunta Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay maalinta Hirgelinta Akhriska iyo Qoraalka Afka Maxaaga.
Munaasabadan ayaa waxaaka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Dahair, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS, Xildhibaano, Safiirka Soomaaliya ee Hindiya Marwo Ebyan, Guddoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Xuseen Nuur (Maax), ku xigeenkiisa iyo marti sharaf kale.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo Munaasabadda geba gebadeeda hadlay ayaa sheegay in duruufo adag ay dalka ka jiraan, isaga oo sheegay inkasta oo ay jiraan duruufaha in muhiim ay tahay in arrintan laga wada shaqeeyo, balse aysan aheyn wax Dowladda keliya looga baahan yahay.
Si kastaba arintu ha ahaatee dastuurka qaranka ayaa waxaa ku qoran in afsomaliga uu yahay Maay iyo Maxaatiri hase yeeshee sanad walba maanta oo kale waxaa dalka looga dabaal degaan qorista afka maxaaga taasoo hareer mareysa qaabka uu afsomaliga yahay.