Reysulwasaare Kheyre oo Maanta u Kicitamey Dalka Swirzerland Si uu Uga Qeyb Galo Kulan Halkaasi Ka Furmi Doona

0
39

Ra’iisul xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhaw oo maanta ah u kicitamey magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasoo uga qeyb galayo shirka dhaqaalaha adduunka.

Kulanka ka furmaya magaalada Geneva ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Qaraadda Afrika, waxaana si gaar ah looga hadli doonaa kobaca dhaqaalaha adduunka iyo sidii loo taageeri lahaa dalalka soo koraya.

Saraakiisha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay ku jirto dalalka yar ee Africa ka tirsan ee lagu casuumay shirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhowaan dib u habeyn ku sameysay nidaamka Canshuuraha dalka, taasoo ka qeyb qaadan kara in dhaqaalaha Soomaaliya uu kor u kaco.