Reysulwasaarihii Hore ee Somaliya Cali Maxamed Geedi oo Ka Hadley Maqaamka Gobolka Banaadir

1
42

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Maqaamka gobolka Banaadir uu yahay mar walba arrin Dastuuri ah oo waajib ku ah sida uu hadalka u dhigay cid kasta oo tallada dalka heysa.

Arrintan ku saabsan ka hadalka Maqaamka gobolka Banaadir ayaa dood weyn ka dhax-dhalisay maamulka gobolka Banaadir iyo madaxtooyada Soomaaliya waana tan keentay in uu xilkiisii ku waayo guddoomiyihii gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay jirin cid shaki gelin karta maqaamka ay dadka jecel yihiin iyo xuquuqda ka maqan dadka deegaanka.

28 bishan aynu ku jiro ayaa loo ballasan sanaa qabsoomida shirweynaha Wadatashiga gobolka Banaadir, hasse ahaatee waxaa muuqata in shirkaasi uu hadda meesha ka sii baxayo kadib markii xilka laga qaaday guddoomiye Taabit oo shirkaasi ku dhawaaqay.

1 COMMENT

  1. Reer Xamar. Shaanshi. Bandhabow. Jareer iyo Gibil cad iyo dadka aabayaashood aay Xamar ku hasheen ayaa laga sugayaa inay dejiyaan Maqaamka Magaalada Muqdishow ee ima taalo dad koyto ku ah oo aan ku dhalan qabiil ma ah

Comments are closed.