Maamulka Hirshabeele oo Sheregey Iney Adkeynayaan Amniga Wada Isku Xirta Balcad Iyo Jowhar

0
88

Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegtay in ay siweyn loo adkeynayo Amniga Waddada xiriirisa Jowhar iyo Balcad kaddib dagaallo marar badan oo hora halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeele Maxamed Cali Caadle oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladii Amni xumi ee ka taagneyd waddada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar wuxuuna sheegay in ay maamulkiisu arintaa soo afjaryo.

Waxaa uu tilmaamay Wasiirka in hadda xalada amni ay tahay mid la isku haleyn karo marista wadadaasi, amnigana ay si buuxa gacanta ugu dhigeen ciidamada.

Hadalka Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeele Maxamed Cali Caadle ayaa imaanaya xilli maalmihii la soo dhaafay Waddada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka jirtay xaalaad amni daro,