Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo ay ka mid yihiin Madaxda maamulka Galmudug ayaa tagay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Magaalada Hobyo, ayaa wuxuu la xiriira dhagax dhigida dhismaha Dakadda magaalada Hobyo oo maamulka Galmudug ay si wayn u daneynayaan.
Shacab badan oo kala yimid deegaanada Hoos Yimaada Hobyo ayaa ku sugan garoonka kuwsi maalmo u joogay soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha.
Safarka Madaxweynaha uu maanta ku tagay Magaalada Hobyo, ayaa lagu waddaa in uu kusoo gabagabeeyo Safarkii maalmihii lasoo dhaafay uu ku marayay degaanada Galmudug.