Dowladda Jarmalka ayaa maanta ku dhawaaqday balan qaadkeeda ah 32 Milyan oo Euro oo ay ugu tala gashay Soomaaliya, si ay ugu taageerto shaqada kaabayaasha Soomaaliya.
Lacagtan ayaa Dowladda Soomaaliya loo soo marsiinayaa Bankiga Adduunka, gaar ahaan qeybta Jarmalka oo lagu magacaabo Multiple Partner Fund (MPF), taasi oo gacan ka geysanaysa xoojinta kartida degaanka iyo kartida hirgelinta si loo hagaajiyo helitaanka kaabayaasha aasaasiga ah ee Soomaaliya.
Madaxa Iskaashiga horumarinta Maalgashiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Jarmalka Marius Rau ayaa sheegay ayaa sidoo kale lacagtan in loogu tala galay koritaanka magaalooyinka, horumarinta xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta Soomaalida iyo arrimo kale.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo arrintan si kooban uga hadlay ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay u mahadcelineyso Jarmalka oo markale qaaday talaabo wanaagsan oo horumar u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.