Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maalintii magaalada Davos ee dalka Switzerland kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Christine Lagarde.
Labadan masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen kaalmada Hay’adda IMF ee Soomaaliya, gaar ahaan iyada oo loo marayo laba Barnaamij-Korjoogayaal Shaqaale ah iyo gargaar farsamo oo ballaaran iyo arrimo kale.
Christine Lagarde ayaa sheegtay Deeqaha deynta ee Soomaaliya in ay tahay mudnaanta IMF iyo dadaal kasta oo loo sameeyo si loo dedejiyo geeddi-socodka nidaamyada aasaasiga ah.
Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa IMF uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin Soomaaliya, wuxuuna Khayre rajo ka muujiyay in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.
Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Switzerland waxa uu la kulmi doonaa Madax badan oo Afrikaan ah kuwaas oo dalkaasi u jooga ka qeyb galka Shirka Dhaqaalaha Aduunka.