Maamulka Gobolka Banaadir ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed, iyo dadka kale ee dalka soo galiya daawooyinka dhacay ama ay tayadooda ay liidato.
C/Fitaax Cumar Xalane oo ah Afhayeenka Maamulka G/Banadir oo kula hadlay warbaahinta goobta lagu gubay dawooyinkan ayaa sheegay, in Maamulka Gobolka Banadir uusan aqbali doonin in waxyeelo loo geysto shacabka Soomaaliyeed, laguna dhibaateeyo waxyaabaha dhacay.
C/Fitaax Xalane ayaa timaamay in Booliska Dekadda Mogadisho iyo Waaxda Caafimaadka ee Gobolka ay marwalba heegan u yihiin in shacabka ay ka hor istaagaan waxyaabaha aan u wanaagsaneen caafimaadkooda.
Arintan ayaa kusoobeegmeysa xilli maalmo kahor Booliska Dekada Mogadisho ay qabteen dawooyin dhacay, kuwaasoo la doonayay in loosii gudbiyo suuqyada dalka si loogu sii ii biyo.